Saldhig Al-shabaab oo Weerar Lagu Qaaday

0

Wararka ka imaanaya Degmada Jilib ee Gobolka Jubada Dhexe ayaa ku waramaya in Ciidamo ajaanib ah iyo kuwa Dowladda Soomaliya in weerar  ay ka ku qaadeen Xalay saqdii dhexe Saldhig Ciidamada Xarakada  Al-shabaab ay ku lahaayeen tuulada Welmarow ee degmadaas u dhow.

Dadka deegaanka Welmarow oo u dhow degmada Jilib ee Gobolka Jubada Dhexe ayaa xaqiijiyay in howlgalka uu ahaa mid qorshaysan islamarkaana Ciidamada ajaanibta ay ku bartilmaameedsadeen Saldhiga Al-shabaab.

Lama oga qasaaraha halkaas ka dhashay iyo sida Ciidamada ajaanibta iyo kuwa Dowladda Soomaliya ay u fuliyeen weerarka lagu qaaday Saldhig Ciidamada Xarakada  Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Welmarow ee degmada Jilib u dhow, balse Ciidamada huwanta ayaa mar walba dhanka dhulka iyo cirka ka weerara Al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here