Banaanbax Lagu Taageerayo Farmaajo oo Muqdisho Ka Dhacaya

0

Magaalada Muqdisho waxaa maanta laga dareemayaa Abaabul iyo Diyaar garow xoogan oo loogu jiro banaan bax lagu taageerayo boqolka maalmood ee Madaxweyne Farmaajo oo la doortay 8-dii bishii February.

banaanbaxa lagu Taageerayo madaxweyne Farmaajo ayaa ka dhici doona Garoonka Kubadda Cagta ee Banaadir Stadium ee degmad C/casiis, wuxuuna noqon doono kii ugu horeeyay ee lagu taageerayo waxqabad Madaxweyne Dowladeed.

banaanbaxaan waxaa kasoo qeyb gali doono Mas’uuliyiin ka Tirsan dowladda Soomaliya Sida Madaxweyne Farmaajo, iyo shacab aad u fara badan oo ka kala imaanayo degmooyinka Gobolka banaadir.

Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir ee dhawaan la magacaabay ayaa lagu wargeliyay  dhawaan in degmadiiba ay ka keenaan illaa 1,000 dadweyne oo ka qeyb qaata banaan baxa.

Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa horay u balan qaaday in khudbad u jeedinayo shacabka Soomaliyeed.

Boqolka maalmood ee Madaxweyne Farmaajo xafiiska joogay waxaa dadka qaar tilmaameen in waxyaabo kala duwan u qabsoomeen dalka, halka dadka kalena ay dhaliilaan safarada badan ee Madaxweynuhu galay.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here