Kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Dhalinyarada Soomaaliyeed Gaar ahaan Dhalinyarada Baahiyaha Gaarka ah Qaba ayaa Waxa uu ka dhacay hoatel SYL kaasoo ay ka soo qeybgaleen Wasiirka Wasaaradda Dhlinyarada iyo Ciyaaraha iyo Wasiirku Xigeenka Wasaaradda ayaa Waxaa looga hadlayey sidii ay geedi socodka Siyaadadda ay ugu Qeyb qaadan lahaayeen Dhalinyaradda Baahiyaha Gaarka ah Qaba ayna usoo gudbin lahaayeen Baahidooda gaarka ah.
Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Xil. Khadija Maxamed Diiriye ayaa waxa ay ka dhawaajisay in ay garabtaagantahay Xukuumada Ra’iisul Wasaare Cali Kheyre Dhalinta Baahiyaha Gaarka ah Qaba sidii ay wax ugu qaban lahaayeen ayna afka ku dhufatay in ay ku tala jiraan sidii ay wax uga qabanlahaayeen
Sidookale Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Xil. Axmed Cumar Isloow ayaa tilmaamay in Dadka Naafada dhabta ah ay yihiin Daka Miyirka la’ Waxna aan ka geysankarin siyaasada misna dhibaatooyinkoodana aan sheegan karin.






