Dowladda Shiinaha oo Soomaliya Usoo Dirtay Markab Sida Shixnad Gargaar

0

Markab sida shixnad gargaar oo loogu talagalay in lagaarsiiyo boqolaal soomaali ah ayaa ka soo shareecday dekadda Magaalada Shanghai ee dalka Shiinaha waxaana dowlada Shiinaha ay sheegtay in deeqdan loogu tala galay dadka abaaraha ba’an  ku heystaan gudaha dalka soomaaliya.

Deeqdan oo u badan bariis ayaa gaareysa 2,821 ton waxaana iyadoo  sidoo kale xaalado lamid ah ay kajiraan dalal dhaca qaarada Africa oo soomaaliya ay kamid tahay.

Deeqdan dowlada shiinaha ay soo direyso ayaa timid kadib kulan  ka dhacay bishii aynu ka soo gudbanay  Caasimada  Beijing ee dalkaasi waxaana ay balanqaaday in gargaar cuno ay gaarsiineyso dalka soomaaliya, iyadoo caawinaadan ay soo dhiibtay shiinaha  ku dhawaad ay  qaadaneyso in soomaaliya ay soo gaarto 35 cisho.

Ururka gargaarkan u qaabilsan dowlada shiinaha ayaa sheegay in ay tahay markoodii ugu horeysay oo gargaar cuno ay u soo diraan dalka soomaaliya iyagoo u soo marsiinaya hay’ada qaramada midoobe u qaabilsan cunooyinka ee WFP.

Qiyaaso ay sameysay WFP ayaa lagu sheegay in abaarta soomaaliya ka jirta in ay kor u dhaaftay dadka ay saameysay 6 Million oo qof oo ka dhigan kala bar dadka ku nool soomaaliya waxaana sidoo kale  WFP ay tilmaamtay in 3.2 Million  oo qof in  ay u baahanyihiin gar gaar deg deg ah.

Deeqdan cunada ah ayaa loo qeybin doonaa 223,500 oo qof  kuwaa oo ku kala nool 18-ka gobal ee soomaaliya oo abaaraha ay saameeyeen waxaana qeybinta raashiinka ay qaadan doonto muddo dhan afar bilood.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here