Cusmaan Nuur Xaaji Gudoomiye ku-xigeenka Maamulka Gedo oo goordhaweyd la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada muqdisho ayaa sheegay in diyaarad ay laheyd Hay’adda Cunada aduunka ee WFP in ay ku burburtay garoonka diyaaradaha Magaaladaas.
Gudoomiye ku-xigeenka ayaa sheegay in diyaaradda Inta aysan kusoo daganin garoonka ay cilad soo wajahday islamarkaana ay baabi’isay alaabo iyo guryo ka ak dhawaa garoonka diyaaradaha Magaalada Garbahaarey.
Wuxuu sheegay Cusmaan Nuur Xaaji Gudoomiye ku-xigeenka Maamulka Gedo in diyaaradda ay waday cunooyinka kuwa Nafaqada ah islamarkaana ay maalmihii dambe ay garoonka soo gaareysay balse ay maanta soo wajahday cilad, sidaasna ay ku burburtay.
Sidoo kale Gudoomiye ku-xigeenka ayaa sheegay In lagu guuleystay dambita dabka ka kacay diyaaradda haatana ay xaaladda tahay mid aad u wanaagsan.

