Madaxweynaha Puntland Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in maamulada Puntland iyo Galmudug ay wadaagi doonaan waxyaabo badan madaama uu ka qeyb galay Caleema-saarkii madaxweyne Axmed Ducaale Geelle (Xaaf).
“Madaxweyne Xaaf maalintii la doortay ayuu sheegay, nabada iyo dib u heshiisinta anaguna gacan ayaan ka siinaynaa, Puntland iyo galmudug wax badan ayeey wadaagaan ganacsi iyo sokeeye iyo isu socod si taasi u hirgasho waa in colaada la joojiyo , xuduudaha sharciga ahna la ixtiraamo , siyaasiyintana ay ilaaliyaan nabada gobolka,2015tii Madaxweyne Xaaf iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa noogu yimi Galkacayo nabada labada maamul dhexdooda awgeed, hada waxaan rajeynaya in howshii aad halkaasi kasii wadid”, ayuu Yiri Gaas.
Sidoo kale Madaxweynaha Puntland Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Puntland iyo Galmudug ay u baahanyihiin inay ku wada noolaadaan nabad , walalnimo , derisnimo iyo isqadarin,Si looga gudbo dagaalka sokeeye ee kala qeybshay shacabka Soomaaliyeed ragaadiyeyna dowladdnimadeeda.

