Dowladaha Qatar iyo Sacuudiga oo Soomaliya Ugu Deeqay Tobonaan Million

0

Dowladaha Sacuudi Carabiya iyo Qatar ayaa ugu deeqday dowlada Federalka Soomaaliya Tobonaan Million oo dollar oo si toos ah dowlada soomaaliya loogu wareejinayo taa oo loogu tala galay teegeeridda horumarka dalka.

Lacagaha dowlada Soomaaliya lagu wareejinayo ayaa kamid ah balanqaadyo horay ay u sameeyeen madaxda dalalkaasi kadib markii ay wada kulmeen madaxweynaha jahmuuriyada Federalka Soomaaliya oo booqday dalalka  Qatar Iyo Saudi Arabia.

Deeqahan lagu wareejinayo dowlada soomaaliya ayaa loogu talagaly dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha iyo dib u dhiska dalka waxaana qeyb ka ah lacago lagu kabayo Miisaaniyadda Xukuumada Federalka soomaaliya taa oo boqortooyada Qadar ay bixineyso.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here