Raisul Wasaare Khayre:-“Hadii  Shacabka Naga Shakiyo Amni Ma Sugi Karno”,+Dhageyso

0

Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ugu baaqay ciidamada amaanka Dowladda Soomaliya in ay tixgaliyaan shacabka Soomaliyeed xiliyadda ay howlgalada  wadaan.

Raisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo hadal dhiirigelin ah u jeediyey ciidamada xalinta amniga caasimadda Muqdisho ayaa ku ammaanay doorkooda geesinimada leh oo ay u istaageen inay shacabka Soomaaliyeed amnigooda iyo xasilloonidooda sugaan, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in maanta la joogo waqtigii xoojinta midnimada ummadda iyo u istaagista difaaca shacabka.

“Laakin Hadii  shacabka naga shakiyo amni ma sugi karno,anaga waa in amaano la imaanaa, dadka soomaliyeed oo aad u tagaysaan waa in la ixtiramaa,sida kaliyah ee aan hormar ku gaari karno waa in aan amni helnaa”, ayuu yiri Raisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here