Cali Khaliif:-“Somali-land in Aan Wada-hadal Lagalo Hargeysa Uma Tagin”,+Dhageyso

0

Madaxweynaha Maamulka Khaatumo State Cali Khaliif Galayr ayaa ka hadlay  safarkiisa Magaalada Hargeysa ee Caasimada Maamulka Somali-land iyo kulankii uu la qaatay Madaxweynaha maamulkaas Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

“Magaaladan waxaan u imi , inaan diyaarad ka raaco , Transit inaan ku maro sababo hada aanan ku dheeraneyn baa igu kaliftay diyaarad aan ka filayey inaan ka qaato Buuhoodle ayaa suurtoobi weyday, Sidaa awgeed Magaaladana Hargeysa Airport weyn oo aad u fiican baa ku yaala taa inaan ka faa’ideysto ayaan meesha u imi”, ayuu yiri Madaxweyne Galeyr.

“Magaaladana wakhti hore baa iigu danbeysay runtii aad bay u dhisantay aad bay u qurux badantahay, in kastoo aanan wakhti u helin inaan soo warwareego laakiin runtii intaan arkay ayaa iga qancisay,waxaan u imi transit baan ahay, Madaxweynaha waan is aragnay xalay baan is aragnay , niman odayaal oo kale oo maamulka iyo baarlamaanka ahna waan is aragnay, laakiin nin wadahadalo iyo arrimo u socday halkan inaan ku qabsano ma ihi “”, ayuu hadalkiisa ku daray madaxweynaha Maamulka Khaatumo State Cali Khaliif Galeyr.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here