Shire:-“Waxaan Rajeynaynaa in Dib Loo Bilaabo Wada-hadalkii Soomaliya iyo Somali-land”,

0

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in ay rajeynayaan in dib loo bilaabo  wadahadaladii u dhexeeyay iyaga iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Sacad Cali Shire oo wareysi siiyay Bbc-da ayaa sheegay in ay rajeynayaan in dib loo bilaabo wada-halada nabadeed ee kala dhaxeeyay Jamhuuriyadda Soomaliya oo hakadka la galiyay.

‘’Wadda hadalladan muddo dheer ayeey soo socdeen , tiro ku dhawaad todobo jeer ayaan kulan yeellanay, dhamaan wax ka soo baxay kulamadaas ma jiraan, waxaan rajeyneynaa in wada hadalladaas dib u bilaabmaan, madaxweyne Farmaajo waxaa uu yiri waxaan diyaar u nahay in wada hadalada dib loo bilaabo, waana soo dhaweyneynaa’’ayuu yiri wasiir Sacad Cali Shire.

Dhowrkii bilood aynu soo dhaafnay waa hakad ku jirey wada-hadalkii u dhaxeeyay Soomaliya iyo Maamulka Somali-land oo dhowr jeer oo hore lagu qabtay Magaalada Istanbul ee dalka Turkey-ga.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here