Madaxweynaha maamulka Khaatumo State Mudane Cali Khaliif Galeyr ayaa afar aan la shaacin oo dhinaca Dhulka ah Wuxuu ku tagay magaalada Hargeisa ee Caasimadda Maamulka Somali-lad.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya Safarka uu ku tagay Halkaasi, Iyadoo ay Wararku sheegayaan inuu dhinaca dalka Kenya usuu gudbi doono, halka wararka qaarna ay sheegayaan inuu Howlo u gaar ah Safarkiisu la xiriiro, lama sheegin wax Wafdi ah oo la socda Madaxweynaha.
Waa markii Labaad ee Madaxwaynaha maamulka khaatumo Cali Khaliif Galeyr uu Safar dhinaca dhulka ah ku tago magaalada Hargeisa, Tan iyo Markii ay bilowdeen Wadahadalka u dhexeeya Maamulada Khaatumo iyo Somaliland, iyadoo uu Horey uga duulay Garoonka Cigaal ee magaalada Hargeisa.

