Xaaf ”Wada-hadalka Aan La Galayo Ahlu-sunna Waxaan La Kaashanaynaa DF iyo Beesha Caalamka”.+Dhageyso

0

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo isaga iyo Wafdi uu hogaaminayo oo ka socda maamulka Galmudug ay ku suganyihii magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu faah-faahin ka bixiyey kulamo uu la qaatay madaxda dowladda inta uu ku suganyahay magaalada.

Madaxweyne Xaaf oo wareysi gaar ah siiyey Idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in waxyaabaha ugu weyn ee madaxda dowladda uu kala hadlay ay ka mid yihiin arimaha la xariira wada hadalada Ahlu-sunna iyo dhameynta xiisadaha dagaal ee kusoo noq-noqda magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Isagoo ka hadlayey arinta Ahlu-sunna ayuu sheegay in markii la caleema saaro qorshihiisa ugu horreeya ee arintan ay tahay inuu bilaabo wada-hadalada uu maamulkiisu la galayo maamulka gobolada dhexe,waxaana uu sheegay in qorshaha ku aaddan wada-hadalka uu la kaashanayo dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka si buu yiri  ay natiijo fiican ay ugasoo baxdo.

Dhinaca Axmed Ducaale Geelle Xaaf Madaxdweynaha dowlad-goboleedka Galmudug oo sii hadlaya ayaa sheegay in bishan daba-yaaqadeeda ay dhacayso xafladda caleema saarkiisa oo ay ka qaybgalayaan madax ka kala socota dowladda Soomaaliya,Beesha caalamka iyo Hoggaamiyayaasha Maamul-goboleedyada dalka ka jira oo xafladda caleema saarka goob-joog ka noqondoona.

Madaxweynaha dooran Galmudug Axmed Xaaf ayaa waxaa horyaalla caqabado badan oo ka jira deegaanada Galmudug waxaana ka mid ah khilaafka kala dhexeeya Maamulada dariska la ah ee Puntland iyo Ahlu-suuna,waxaana dad bdn ay ka dhur sugayaan sida uu arintan u wajaho madaxweyne Xaaf.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here