Sanator Xuseen Sheekh Maxamuud oo ka mid ah Sanatarada aqalka sare ee dalka oo wareysi gaar ah siiyey Idaacadda Simba ayaa waxaa uu ka hadlay qorshaha ay wadaan xildhibaanada ku midoobay Kudlada Hor u socod ee dhawaan looga dhawaaqay magaalada Muqdisho.
Sanatorka ayaa tilmaamay in shaki weyn uu ka qabo in xildhibaanadu ay u adeegayaan dano shisheeye oo aysan ka talineyn masiirka ummadda Soomaaliyeed sida uu yiri.
Dalka Soomaaliya ayuu tilmaamay inay dib u dhac ku tahay qorshahan madasha hor u socod markalena lagu laabanayo waxyaabo horay loogasoo gudbay oo aan loo baahneyn in dalku dib ugu noqdo.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in looga baahnaa in ay la yimaadaan xal ka duwan midkan oo u muuqda mid dano gaar ah laga leeyahay ayna suura-gal tahay in gacmo shisheeye ay wax la wadaan,maadaama buu yiri laga abaabulay meel dalka ka baxsan.
Dhawaan xildhibaanno iyo Sanatarro ka tirsan labada gole ayaa ku dhawaaqay inay ku midoobeen dallad ay ku sheegeen inay ku samata bixinayaan dalka oo dowladda ku tusinayaan khaladaad ay sheegeen inay ku jirto sida ay yiraahdeen.

