Kumanaan Arday Soomaaliyeed ayaa maanta u fariisanaya Imtixaanaadka mideysan ee shahaadiga, kaasoo ay qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa sheegtay in tirada guud ee ardayda imtixaanaadka u fariisanaya ay tahay 23-kun, oo ku kala sugan gobolka Banaadir iyo afar dowlad-goboleed.
Ardayda maanta u fariisinaya imtixaanaadka mideysan ee Dugsiga Sare ayaa loo diyaariyay goobo kala duwan oo ku yaalla magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka Soomaliya, iyadoo ammaanka si aad ah loo adkeeyay.
Wasaaradda Waxbarashada iyo Dalladaha waxbarashada ayaa horay ugu heshiiyay in si wadajir ah loo qaado Imtixaanaadka mideysan.

