Faah-faahin:-Qarax Lagu Weeraray Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Ahlusuna

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ayaa ku waramaya in qarax bam  lagu tuuray Xalay kolonyo ka Tirsan Ciidamada Ahlusuna Waljameeca oo marayay deegaanka Mareergur ee degmada Dhuusamareeb.

Qaraxa bam ayaa la sheegay in uu ka dhacay waddo aada xero ciidan oo ku taala galbeedka magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud, waxaana lala beegsaday gaari siday ciidamo ka tirsan maamulka Ahlu sunno.

Warka ayaa intaa ku daraya in Qaraxaan ahaa bamka gacanta laga tuuro, lamana oga khasaaraha ka dhashay Qaraxa, ciidamada Ahlu sunno ayaa la sheegay inay dhalinyaro ka xirxireen guryo u dhow goobta qaraxu ka dhacay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here