Howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya AMISOM ayaa xaqiijiyay in dowlada Zambia ay ku biirtay dowladaha Soomaaliya u soo diraya ciidamo Police ah kuwaa oo kamid noqonaya howlgalka midowga Africa ee AMISOM,waxayna Tababaro ay siin doonaan Police-ka Soomaliyeed.
War ka soo baxay howlgalka midowga Africa ayaa lagu sheegay in afar tabo barayaal police ah oo kamid noqonaya 22 saraakiil oo police ah oo horay ugu tirsanaa howlgalka amisom in ay ku biiri doonaan kuwaa oo tababaro arimaha amaanka ku saabsan siinaya ciidamada police-ka Soomaliyeed.
“Markii ugu horeesay Zambia ayaa cutubyo police ah ku biirineysa howlgalka midowga Africa ee soomaaliya in kastoo Soomaaliya ay horay ugu joogeen ciidamo military” sidaas waxaa lagu yiri howlgalka midowga Africa.
Saraakiisha ka imaanaya dalka Zambia ayaa bixin doono tababaro qaas ah oo la siinayo ciidamada police-ka soomaaliya waxaana lagu sheegay warkan in mas’uuliyad weyn ay iska saari doonaan joogteynta sharciga iyo kala dambeynta.
Taliyaha Ciidamada ka socda dalka Zambia Kasale Tresphord ayaa sheegay in ciidamada police-ka soomaaliyeed ay kataageeri doonaan sidii ay amaanka u sugi lahaayeen dalka ay u sugu lahaayeen.

