Deegaanka Cadale oo ka tirsan gobolka Shabeelah dhexe ayaa waxaa ka taagan xaalad adag oo dhanka nolosha ah soona wajahday dadka ku nool deegaankaasi iyo deegaanno hoos yimaada,kadib markii uu halkaa ka dillaacay cudurka shuban-biyoodka .
Wararka ayaa sheegaya in deegaanka uu ka bilowday barakac ay sameenayaan dadka deegaanka kadib markii ay waayeen meel ay ciirsadaan oo dawo iyo dabiib ay ka helaan,iyagoo usoo barakacay dhanka magaalada muqdisho oo shalay illaa saaka ay gaadiid kusoo daabulayaan.
Deegaanku malahan wax farmashiye ah waxaana aad u yar helidda dawo tayo leh,waxaana halkii xabbo ee kaniiniga ah la gadayaa qiima dhan Saddex kun oo shillinka Soomaaliga ah ( 3-kun Sh.So ),Sidaas waxaa Idaacadda Simba u sheegay mid ka mid ah dadka deegaanka Cadale ee G/Sh/dhexe.
Ruuxan ka midka ah dadka deegaanka ayaa sheegay in hadda deegaankaasi iyo deegaanada u dhawba ay ka jirto xaalad adag in kabadan 10-ruux ayuu sheegay in saacadihii lasoo dhaafay ay u cudurka shubanbiyoodka u geeriyoodeen tira intaa ka bandanna ay la ildaranyihiin sida uu yiri.
Dhawr deegaan oo ku yaalla Gobolka Sh/dhexe waxaa ka jira xaalado kala duwan oo ka dhashay cudurro ka dilaacay deegaanadaasi oo aysanna jirin cid isku howshay wax u qabashada dhibanayaasha dhibaateysan.

