Qoyska asakri kenyati ah oo ay gacanta ku hayaan Xarakada Al shabaab kaa oo maalinimadii shalay la soo bandhigay muuqaal uu ku codsanyo in la caawiyo ayaa qoyskii uu ka dhashay waxa ay sheegeen in nolosha wiilkooda ay aad kaga niyad jabsan yihiin iyagoo tilmaamay in ay u heesteen in uu uu kamid ahaa Akartii ku dhimatay weerarkii ciil cadde.
Askarigan oo lagu magacaabo Alfred Danyi wuxuu ka mid ahaa 11 askari oo kenyan ah oo Xarakada Al-shabaa gacanta ku dhigeen, ayaa ka codsaday shacabka Kenya in laga saaro gacata kooxda haysata, waxaana muuqaalka soo bandhigay hay’adda u qaabilsan Al-shabaab dhanka faafinta baahineed ee Al-kataa’ib.
Qoyskan wiilkan ayaa sheegay in ay aad ugu farxeen argatida wiilkooda oo la heyste u ah Xarakada Al shabaab tan iyo bishii January ee sanadkii aynu ka soo gudubnay 2016.
Maalinimadii shalay aheyd qoysaska iyo dadka deegaanka ee ku nool xaafada Majengo ayaa jilbaha dhulka dhigtay kuwaa oo ugu duceeyay in ay sii noolaadaan askarta kenytiga ah ee Xarakada Al shabaab gacanta ugu jira iyagoo waaxda difaaca dowlada Kenya ka codsaday sidii garab looo siin lahaa oo askartaasi lagu sii deeyo.
Bishii Januar y ee 2016-kii ayaa ciidamada Al-shabaab qaybta Saleh Ali Nabhan ayaa xoog ku jiireen saldhigii milatery ee Ciidamada Kiiniya ay ku lahaayeen Degaanka Ceelcade, waxaana la aamisan yahay in ilaa 200 askari ay ku dhinteen weerarkaasi.

