Madaxweynaha Jamuuriyada Federalka Soomaaliya oo si rasmi ah maanta ugu qeyb galaya shirka wadamada islaamka iyo mareykanka kaa oo ka furi doona magaalada Riyad ee dalka sacuudi arabiya ayaa la filayaa in madaxweynaha soomaaliya uu lakulmo Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump oo gaaray caasimadda Riyaadh ee dalka Sacuudi Carabiya, halkaasi oo uu uga billaabmay safarkii ugu horreeyay ee uu dibadda ku tago tan iyo markii uu xafiiska la wareegay.
Madaxweynaha soomaaliya ayaa la kulmi doono boqor Salmaan bin abdulaziz iyo madaxweynaha mareykanka oo arimaha soomaaliya halkaasi ay kaga wada hadli doonaan iyadoo la’filayo in ay kawada hadlaan arimaha xayiraada dadka Soomaalida ee laga mamnuucay dalka mareyknka in ay galaan waxaana uu Axada beri ah madaxweynaha mareykanka uu u jeedin doonaa qudbad dheer hogaamiyayaal ka socda in ka badan 40 dal oo Muslim ah.
Shirweynahaasi waxaa xoogga lagu saari doonaa dagaalka ka dhanka ah ururrada xagjirka ah.
Madaxweynaha Maraykanka ayaa sidoo kale la filayaa in kulamadaasi lagu kala saxiixdo heshiisyo gacansi oo ku kacaya balaayiin doolar.
Balse booqashada Trump ayaa waxaa hareeyay baaritaanka lagu hayo xiriirka la sheegay in kooxdiisii ololaha doorashada ay la samaysay Ruushka.
Safarkiisa oo 8 cisho qaadan doona ayaa sidoo kale waxa uu ku mari doonaa Israa’iil, dhulka Falastiiniyiinta, Brussels, Vaticanka iyo Sicily.

