Kooxo hubeysan ayaa goordhaweyd gudaha Xaafada Xaawo Taako Degmada Wadajir ee Gobolka banaadir waxa ay ku dileen qof rayid ahaa.
Qof kamid ah dadka deegaanka ayaa idaacadda simba u sheegay in rag hubeysan oo gaarayay ilaa 3-nin ay fuliyeen dilka loo geystay qofka rayidka ahaa , islamarkaana kooxda hubeysan laga dilay mid kamid ah kadib markii Ciidamo halkaas ka dhawaa ay rasaas ku fureen.
Ciidamada amaanka Dowladda Soomaliya oo goobta gaaray ayaa wada howlgal lagu baad-goobayo labo kale oo dilka fuliyay oo la sheegay in ay baxsadeen,waxaa goobta laga qaaday meydka ruuxa rayidka aha.
Ilaa haatan si dhab ah looma ogo waxa uu ahaa qofka la dilay iyo halka uu ka Tirsanaa.

