Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Degmada Qansaxdheere ee Gobolka Baay ayaa ku eedeeyay Gudomiyaha Degmadaas in uusan wada-shaqeyn la laheyn Ciidamada Dowladda Soomaliya iyo Ciidamada Midowga Afrika AMISOM.
Xoghayaha Arimaha Bulshada Degmada Qansax dheere Saalax Shiikh C/laahi oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada muqdisho ayaa sheegay in Gudoomiyaha Cusub ee Degmadas uusan aheyn shaqsi u daacad ah shacabka degmada islamarkaana uu kasoo horjeystay in wada shaqeyn ay dhexmarto Ciidamada Dowladda Soomaliya iyo Kuwa AMISOM.
Arinaan ayaa kusoo beegmaysa xili shalay qarax miino uu ka dhacay Maqaayadd ku taala gudaha Degmadaas 2-mas’uuliyiin ah iyo 7-askari oo ka Tirsan Ciidamada Dowladda Soomaliya ayaa ku dhaawacmay.

