Taliska Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa la wareegay raashi gar-gaar ah oo ay ku muran sanaayeen Madaxda Maamulka Gobalka Hiiraan iyo kuwa Magaalada Baladweyne oo maalmahaan ay xiisad ka dhex taagnayd.
Taliye Ku-Xigeen Saldhigga Magaalada Baladweyne Nuur Xasan Bidaar oo la hadlay Idaacada Simba ayaa Sheegay inay ku guuleysteen ay gacanta ku dhigaan Raashin Gargaar ah oo ay ku dirirsanaayeen Madaxda Gobalka Hiiraan iyo Magalaada Baladweyne ugu Magacaaban Maamulka Hir-shabeelle kaas oo ay si rasmi ah ula wareegeen gacan ku heyntiisa Ciidamada Amniga ee Gobalkaasi.
Bidaar ayaa Sheegay Mas’uuliyiinta Maamulka Gobalka Hiraan iyo kuwa Magaalada Baladweyne ay Musuq-maasuqeen Raashinkaas waxa uuna xusay ay baaritaan ku hayeen Shaqsiyaad looga Shakisan yahay.

