War Deg Deg:-Weerar Goordhaweyd Ka Dhacay Magaalada Mandheere

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya ayaa ku waramaya in dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-shabaab in  weerar qorsheysan ay ku qaadeen deegaanka Omar Jillow oo u dhow Magaalada Mandheere.

Weerarka shabaab ay ku qaadeen degaankaas ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay 3-ruux oo shacab ahaa islamarkaana ilaa haatan la weysan yahay 2-askari oo ka tirsan Ciidamada Booliska Kenya ee ku sugnaa deegaanka Omar Jillow oo u dhow Magaalada Mandheere.

Ilaa haatan ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Dowladda  Kenya oo loogu hadlaayo weerarkaas ka dhacay deegaanka Omar Jillow oo u dhow Magaalada Mandheere, oo dhowr jeer oo hore shabaab ay weerar ku qaadeen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here