Sarkaal Ka Tirsanaa Al-shabaab oo Xiriir Lasoo Sameeyay Dowladda oo La Dilay

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa ku waramaya in askari ka tirsan dagaalyahanada  Al-shabaab in uu toogasho ku dilay Sarkaal ka tirsanaa Xarakada Al-shabaab oo lagu magacaabi jirey Abdullahi Bahar Ali Shire.

Toogashadaan ayaa ka dhacday tuulo la yiraahdo Likoley, oo ka Tirsan deegaanka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo islamarkaana uu goobta ka baxsaday dagaalyahanka shabaabka ee dilay taliyihisa.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Sarkaalkaan uu xiriir lasoo sameeyay Dowladda Soomaliya.

Dad ku sugan Gobolka Gedo oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in dagaalyahanada Xarakada Al-shaabab ay xalay ilaa saakay ay howlgal ka wadaan Tuulada Likoley,iyagoo ka baadi-goobaya askariga dilay Taliyihiisa.

Dhowr jeer oo hore Gobolka Gedo iyo deegaano kale oo Shabaab ay ka taliyaan waxaa ka dhacay toogasho loo geystay Saraakiil ka Tirsanaa Xarakada Al-shabaab, intooda badan waxaa geystay askarta ilaalada u ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here