Sida ay xaqjiiyeen ilo lagu kalsoonan karo Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Xasan Cali Kheyre ayaa safarkiisa ugu horeeyay ugu amba-baxaya dalka dibadiisa tan iyo markii uu magacaabay Madaxweynaha Soomaliya Farmaajo.
Raisulwasaraha Xukuumadda Soomaliya Kheyre ayaa lagu casuumay Madasha Doxa Forum oo ay ka qeyb galayaan hey’ado caalami ah, siyaasiyiin iyo hey’adaha deeq bixiyeyaasha.
Safar Raisulwasaaraha ayaa la sheegay in uu dhici doono 13-ka bishan oo ku beegan maanto oo Sabti ah islamrkaana uu noqon doono kiisa ugu horeeyay ee dalka kaga amba-baxo tan iyo markii la magacaabay Bishii February dhamaadkeeda.
Madasha Doxa Forum ayaa socon doonta 14-15 May ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimaha horumarinta, degenaanshaha iyo qalalaasaha qaxootiga, waxana furi doono Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Sheekh Mohammed Bin Abdulrahman Al-Thani ayaa shirka si rasmi u furi doona, sida ku cad jadwalka shirka.

