War Deg Deg:-Nabadoon Goordhaweyd Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

0

Kooxo hubeysan ayaa galabta Xaafada Laba Dhagax ee Degmada Warta-nabada ee Gobolka banaadir waxa ay ku dileen Ugaas Cabdi Dhoore oo ka mid ahaa Odayaashi Xildhibaanada kasoo xulay  Dowladd Goboleedka Galmudug.

Goob-joogayaal ayaa idaacadda simba u sheegay in Ugaaska uu soo gaaray dhaawac culus kadib markii rag hubeysan ay dhowr xabadood ay ku dhufteen kadibna loo qaaday goobaha caafimaadka,balse uu dhintay inta aan la gaarsiinin goobta caafimaad.

Goobta uu dilka ka dhacay waxaa gaaray Ciidamo ka Tirsan kuwa Dowlad Federaalka  Soomaliya, waxaa jirey howlgal dhacay balse aan la ogeyn cida lagu soo qabtay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here