War Deg Deg:-Nabadoon Goordhaweyd Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

0

Kooxo Hubeysan ayaa Goordhaweyd Suuqa Ansalooti Degmada Waabari Gobolka Banaadir waxay ku  dileen  C/qaadir Farey oo kamid ahaa waxgaradka Degmadaas.

Qof kamid ah dadka deegaanka Degmada Waabari oo goordhaweyd la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in rag hubeysan ay dhowr xabadood ku dhufteen C/qaadir Farey oo kamid ahaa waxgaradka Degmada, xili uu fadhiyay gurigiisa hortiisa islamarkaana ay goobta ka baxsadeen dilka kadib.

Dilka kadib waxaa goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaliya oo goobta ka sameeyay baaritaan lagu baadi goobayay ragii ka dambeeyay dilka, C/qaadir Farey oo kamid ahaa waxgaradka Degmadaas.

ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyadda dilka.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here