Shabaab:-“17-askari ayaa Ku Dilnay Dagaalkii Ka Dhacay Deegaanka Goof-gaduud”,

0

Dagaal u dhaxeyay Ciidamada Dowladda Federaalka  Soomaliya iyo kuwa Xarakada Al-shabaab ayaa saakay aroortii waxa uu ka dhacay deegaanka Goof-gaduud Shabeelow ee Gobolka Bay.

Dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ayaa dhowr jiho ka weeraray deegaanka Goof-gaduud Shabeelow ee Gobolka Bay oo mudooyinkii ugu dambeeyay ay ku sugnayeen Ciidamada Dowladda Soomaliya iyo Kuwa maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya.

Muddo saacad iyo  bar dagaal socday kadib ayaa Xarakada  Al-shabaab waxaa ugu suurta gashay in ay la wareegeen deegaanka Goof-gaduud Shabeelow ee Gobolka Bay ee Koonfurta dalka Soomaliya.

Sidoo kale waxaa jiray qarax Miino oo lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaliya uu gurmad ahaa kuwaasi oo ka baxay magaalada Baydhabo waxaana ku dhaawacmay qaraxaas 6-askari oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaliya.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al-shabaab ayaa lagu sheegay in 17 Askari ay ciidamadoodu ku dileen dagaalkii Goofguduud islamarkaana ay gacanta ku  dhigeen gaadiid Dagaal.

Sheekh C/Caziiz Abuu Muscab Afhayeenka ciidanka Xarakada Shabaab ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamadoodu ay gacanta ku dhigeen 2 baabuur iyo saanado hub ah islamarkaana ay qarax miino ku gubeen gaari dagaal.

Shabaab waxay sheegtay in qaraxa lala helay gaariga Tiknikada ah ay ku dhinteen 17 Askari islamarkaana aysan jirin wax ka badbaaday gaariga gubtay oo dhammaan ciidankii saarnaa ladilay hubkii ay wateena gacanta lagu dhigay.

Ilaa haatan ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya oo loogu hadlaayo dagaalka ka dhacay deegaanka Goof-gaduud Shabeelow ee Gobolka Bay oo 30KM u jira Magaaladaas Baydhabo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here