Joe kibet:-“AMISOM Laguma Soo Wargalnin In aysan Isticmaalin Maka Al Mukarama”,+Dhageyso

0

Taliska AMISOM ee Soomaliya ayaa ka warbixiyay awaawiir uu soo saaray maamulka Gobolka Banaadir oo ku aadan in Gawaarida AMISOM aysan isticmaalin wadada Maka Al Mukarama xiliyadda Maalinkii islamarkaana ay adeegsadaan Saqda Dhexe.

Afayeenka Ciidamada AMISOM  Joe Kibet oo wareesi gaar ah siiyey Idaacada simba ee magaalada muqdisho ayaa waxa uu sheegay in maamulka gobolba banaadir uusan ka tala gelin go’aanka uu soo saaray oo ahaa in AMISOM aynan mari kari wadooyinka magaalada muqdisho gaar ahaan wadada maka al mukara, hadii ay dhacdo in ay maraana kaliya loo ogolyahay saqdii dhexe habeenkii.

Joe kibet afayeenka AMISOM ayaa ku nuux nuuxsaday in  taliska amisom ee Soomaliya ay aad kaga xun tahay shilalka ay geestaan ciidamadooda waxuuna sheegay in ay ka wacyi geliyaan oo aynan ka jiifan arrintaasi

Su’aal:-Gudoomiyaha  Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed waxa uu soo saaray amar AMISOM ku amraayo in Magaalada Muqdisho gaar ahaan wadada Maka Al Mukarama aynan ku socdaali Karin, marka sidee u aragtaan go’aankaasi?

Jwb:-gudoomiyaha gobolka banaadir  AMISOM  kama uusan talagelin sharcigaasi, laakiin waxaan ku leeyahay kaliya waxaan sharcigaasi ku aragnay baraha bulshada, waxayse ku habooneed in gudoomiyaha uu ka tala geliyo AMISOM iyo laamaha amaanka oo ay ugu horeeyaan Ciidamada nabad sugida ee NISA iyo Booliska markaasi waxaa macquul ahaan laheed in aan xal u helno shilalka gawaarida.

Su’aal:-Dhowr jeer Gawaarida AMISOM waxay geesteen shilal sababay dhaawacyo halis ah iyo dhimasho, ciidamada AMISOM ee shilalkaasi geestana dib uma fiiriyaan dadka ay waxyeelada u geesteen marka maxaa sababa arrintaasi?

Jwb:-AMISOM aad bay kaga xuntahay shilalkaasi dhaca, marwalibana daroowaladeena waxaan ku wacyi gelinaa in ay wadooyinka si xasiloon u maraan si aynan waxyeelo u geysan, waxaana raadineynaa sidii aan xal ugu heli lahayn oo aan usoo afjari lahayn shilalkaasi anagoo kala tashaneeno Booliska iyo NISA.

Su’aal:-marka maxaa soo celceliyo shilalkaasi mase caawisaan dadka ay waxyeelada kasoo gaarto shilalkaasi.

Jwb:-markay dad waxyeeleeyaan oo aynan istaagin waa dambi fool xun oo aanan loo dulqaadan Karin, waxaanse ku wargelinaa haduuba shil dhaco in aynan cararin oo ay caawiyaan dadka ay waxyeelada u geestaan

Su’aal:-maxaa u sameeseen dhibanayaasha AMSOM ay waxyeelada u geesteen, oo ay jiirsiiyeen gawaaridooda iyagoo wadooyinka maraayo lagana yaabo in qaarkood ay u geeriyoodeen dhaawacyada shilalkaasi kasoo gaara.

Jwb:-kadib markii uu dhaco shilka waxaynu baarnaa in AMISOM ay shilkaasi geesteen waxaana dabadeed u saarnaa guddi daba gala ciidamada falkaasi geesta si maxkamad loosoo taago.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here