Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaliya Eng C/raxmaan Osmaan yariisow ayaa sheegay in aan lagu xadgudbi doonin Madaxbanaadi warbaahinta ee ka howlgasha Soomaliya.
Wasiir Yariisow ayaa tilmaamay in Xukuumadda Soomaliya gaar ahaan Wasaaradda Warfaafinta ay diyaarisay qorshayaan lagu dhowrayo Saxaafadda Madaxa banaan islamarkaana dhankooda loogu baahan yahay in ay ka shaqeyaan hormarka dalka.
“Warbaahinta dhowr wanaagsan ayay ku leedahay isla xisaabtanka bulshada dhexdeeda,warbaahinta anaga waxaan rabnaa in ay u shaqeyso si Madax Banaan aan cabsi laheyn, waxaad haysataan dowladd u diyaar ay in ay saxaafadda u shaqeyso si Madax banaan”, ayuu yiri wasiir C/raxmaan yariisow.
Dhowr jeer oo Hore Warbaahinta Madaxa Banaan ayaa eedeen u jeedisay Dowladda Soomaliya, Dowadda Soomaliya ayaa dhankeeda warbaahinta u arakta mid caqabad ku ah hormarka dalka iyo dowladda.

