Tahriibayaal Laga Soo Badbaadiyay Xeebaha Dalka Liibiya

0
Migrants rests after disembarking from Dignity ship in the Sicilian harbour of Augusta, Italy, October 19, 2016. REUTERS/Antonio Parrinello

Ilaalada xeebaha ee dalka Libya ayaa soo badbaadiyay ku dhawaad 170 qaxooti ah meelo howlgalo baaritaano ah oo laga sameeyay meel  ka baxsan xeebaha magaaladda Tripoli ee dhacda  galbeedka Libya waxaana dadka la soo badbaadiayay  ku jiray 5 haween ah iyo 2 caruur.

Waaxda qaxootiga ayaa waxa ay dadkan qaxootiga ah u gacan galisay waaxda kale ee la dagaalanka socdaaladda sharci darada ah iyagoo la geeyay  xarun ku taala degmada Abu Salim ee dalka Libya.

Afhayeen u hadlay ciidamada badda ee dalka Libya Brigadier Ayuub Qassim ayaa waxa uu sheegay in ilaalada xeebuhu ay heleen bildhaan tilmaamaysa 2 doonyood oo caag ah oo ku jira bartamaha badda kuwaas oo kula kulmay cilad meel u jirta in ka badan 10 kilomitir waqooyi-galbeed ee magaaladda Tripoli.

Waxa sarkaalkani uu faahfaahin ka bixiyay in ilaalada xeebuhu ay awoodi kari wayday inay fuliso howlgal badbaado ,isagoo intaa ku daray in “nuucyada hawlgalkani uu qaato wakhti dheer ,mana haysano buu yiri qalab nagu filan,”.

Dhinaceeda wakaaladda wararka ee AFP oo soo xigatay afhayeen u hadlay ilaalada xeebaha dalka Libya ayaa sheegtay inay heleen qaxooti saaran 2 doonyood oo caag ah oo mid kamid ah saaran yihiin 168 qaxooti ah iyo doon kale oo ku suganayd ku dhawaad dhowr kilomitir meel u jirta doontan hore.

Afhayeenkan ayaa waxa uu intaa ku daray in la badbaadiyay doontii u horeeysay iyada dadkan qaxootiga ah la geeyay saldhigga ciidamada badda ee Tripoli,halka ilaalada xeebuhu ay awood kari waayeen inay soo badbaadiyaan doontii labaad sababo la xidhiidha “qalab la’aan”,iyada oo aanan la sheegin tirada qaxootiga saarnaa kuwaas oo looga tagay goobtii doontooda ay ku qallibmatay tan iyo bilowgii sanadkan waxaa si weyn u kordhaw tahriibayaasha naftooda ku biimeeya badweynta midetereanan-ka.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here