Mareykanka oo Shaaciyay Magaca Askarigii Loogu Dilay Gudaha Soomaliya

0

Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay Magaca iyo Gobolka uu kasoo jeeday askariga Mareykanka ahaa ee dhawaan ku dhintay  weerar ay Ciidamada loo yaqaano Navy SEAL ay ku qaadeen qeybo kamid ah Gobolka Shabeelaha Hoose.

Kyle Milliken  ayaa lagu sheegay magaca askarigaan waxana uu ahaa 38 sano jir ka soo jeeda Gobolka  Falmouth Maine kana soo dagaalamay wadamo kale, Milliken ayaa noqday askarigii ugu horeeyay ee Maraykan ah oo lagu diley gudaha dalka Soomaaliya tan iyo sanadkii 1993-dii dhacadii loogu magac-daray Black Howk Down.

Qoraal uu soo saaray Pentagonka Mareykanka ayaa lagu sheegay in ciidamo isugu jira Maraykan iyo Soomaali ayaa la soo weeraray kadib markii ay diyaarad helicopter ah ay ku tageen meel ku dhow saldhig leeyihiin Xarakada Al-shabaab oo ku yaala deeganada Daaru-salaam ee Gobolka Shabeelaha hoose.

“Waxaan ka caawinay in diyaaradaheen aan halkaa ku geyno ,”ayuu yiri afhayeenka  Pentagonka Capt.Jeff Davis. “Annaga meel gadaal ah ayaan joognay inta uu howlgalku socday balse weerar ayaa naguyimid kaas oo sababay dhimashada askarigeena.”

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here