Madaxweyne Farmaajo oo Saakay Ku Wajahan Magaalada Baydhabo

0

Sida ay idaacadda Simba u Sheegeen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaliya Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxmed (farmaajo) ayaa saakay ku wajahan magaalada Baydhabo ee Caasimada kmg ah ee maamulka koonfur Galbeed Soomaliya.

Wafdiga madaxweynaha waxaa la sheegay in ay qeyb ka yihiin wasiiro, iyo Xildhibaano kasoo jeeda deegaada Dowladd Goboleedka Koonfur galbeed Soomaliya,amaanka magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay.

Si dhab ah looma oga ujeedka safarka Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxmed (farmaajo) ee Magaalada Baydhabo ee caasimada KMG ah ee Maamulka konfur Galbeed Soomaliya, waana safarkiisa ugu horeeyay ee uu ku tago xarun Maamul Goboleed.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here