Gudoomiyaha Degmada Tiyeegloow Maxamed Cabdala Xasan Food Cade oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada muqdisho ayaa ka dalbaday Madaxda Dowlad goboleed Koonfur galbeed Soomaliya in ay ka shaqeeyaan sidii Xarakada Al-shabaab loogu saari lahaa degmadaas.
Gudoomiyaha Degmada Tiyeegloow Maxamed Cabdala Xasan Food Cade ayaa tilmaamay in dagaalyahada Xarakada Al-shabaab ay dhibaatoyin joogto ah ay ku hayaan shacabka Degmadaas ku nool, islamarkaana maamulka uu madax u yahay ay dibad joog ka yihiin Degmada.
Sidoo kale Gudoomiyaha Degmada Tiyeegloow Maxamed Cabdala Xasan Food Cade ayaa sheegay in ay sameeyeen dhowr isku day ay ku damacsanaayeen in ay kula wareegaan Degmada tiyeglow ee Gobolka Bakool oo sanadkii aynu soo dhaafnay ay dagaal kula wareegeen Al-shabaab.
Deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada koonfur galbeed Soomaliya waxaa gacanta ku haya Xarakada Al-shabaab, madaxda Maamulka ayaa ku celceliya inta badan in ay qaadi doonaan howlgal Al-shabaab loogu xureynayo deeganadaas.

