Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa xalay Xarunta madaxtooyadda Soomaliya kula kulmay Saraakiisha Ciidamada qalabka sida, kulanka ayaa ahaa mid uu Madaxweynuhu ku casuumay Saraakiisha.
Madaxweynaha Soomaliya Farmaajo ayaa la sheegay in uu marti qaaday illaa 21 Jeneraal, kuwaasoo ay ku jiraan Taliyeyaal horay xilal soo qabtay iyo Saraakiil kale oo heysta darajada Jeneraal.
Kulanka Madaxweynaha iyo Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaliya ayaa la sheegay in diirada lagu saaray sidii Saraakiisha Ciidamada qalabka sida, gaar ahaan kuwa howl gabka ah ee aan xilka heyn inay ka qeyb qaataan hoggaaminta howl galada ka dhanka ah Xarakada Al-Shabaab.
Dowladda Farmaajo ayaa xiligaan wada abaabul ku aadan sidii loo qaadi lahaa Guluf dagaal oo dalka oo idil loogu saarayo dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab oo haatan ku harsan qeybo kamid ah Gobolada dalka.

