C/risaaq :-“Maamul Goboleed Ma Yeelan Karo Ciidamo Malatari ah+Dhageyso

0

Wasiirkii Hore ee Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya C/risaaq Cumar Maxamed oo la hadlay Laanta Afka Soomaliga ee VOA-da ayaa sheegay in la jabin doono qodob kamid ah dastuurta dalka u yaalo Hadii la isku Raaco in Ciidamo Malatari ah loo sameeyo Maamul goboleedyadda dalka Xiligaan ka jira.

Mudane C/risaaq Cumar Maxamed Wasiirkii Hore ee Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in Ciidamo Cayiman loo sameeyo dalka, islamarkaana taliyayaasha Ciidamada Lagala tashto Madaxda maamul goboleedyadda dalka ka Jira.

“Ciidamo Malatari dalka wuu Leeyahay, balse waxaa kala qeybiyay Qabiilka, waxaa lagu tuman doonaa Qodob kamid ah Dastuurta dalka u yaalo Hadii la dhaho Ciidamo malatari ayaa loo Sameynayaa Maamul goboleedyadda, taliyayaashana ayagaa lagala tashanayaa”, ayuu yiri Wasiirkii Hore ee Amniga Gudaha Xukuumadda.

Arintaan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo shirkii ugu horeeyay ay yeeshaan Madaxda Dowladda Cusub iyo Kuwa Maamul goboleedyadda lagu go’aamiyay in la dhiso Ciidamo qaran oo ka kooban Boolis Malatari iyo kuwa Kale.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here