Kooxo hubeysan ayaa Xalay Waqooyiga Magaalada Galkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland waxa ay ku toogteen sarkaal sare oo ka tisranaa Ciidamada Puntland, sidoo kalana ilaalo u ahaa Madaxweynaha maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas.
Axmed Xasan Cabdiraxman “Gaandi” oo Ka Tirsanaa Saraakiisha Ciidamada Maamulka Puntland, ayaa lagu dhex toogtay gudaha magaalada Gaalakcyo ee Xarunta Gobolka mudug, waxaana dilkiisa ka dambeeyay kooxo hubeysan.
Ragga hubeysan ayaa la sheegay in dhowr Xabadood ay sarkaalka ku dhufteen islamarkaana ay goobta isaga baxsadeen sida goob-joogayaal ay u sheegeen idacadda Simba ee Magaalada muqdisho.
Dilka kadib waxaa goobta gaaray Ciidamo ka Tirsan Kuwa Puntland,waxaa jiro howlgal saakay lagu baadi-goobayo ragii ka dambeeyay dilka Axmed Xasan Cabdiraxman “Gaandi” oo Ka Tirsanaa Saraakiisha Ciidamada Ciidamada Puntland

