War Kasoo Baxay Dowladda Kenya ayaa lagu Sheegay in Ciidamada Kenya iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaliya oo iskaashanaya weerar qorshaysan ay ku qaadeen meel 9km u jirta degaanka sareera oo ka tirsan Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubada Hoose.
Kenya ayaa sheegtay in Howlgalkaan oo dhacay Xalay 1-dii Habeenimo in lagu dilay 52 xubnood oo ka Tirsanaa Xarakada Al-shabaab, iyo Ciidamadii la joogay,waxaana sidoo kale warka lagu sheegay in la qabtay rasaas aad u fara badan iyo taleefoonada gacanta laga isticmaalo, waxaana ay tilmaameen in ay howl galkan qaadeen kadib markii ay ka war heleen dhaq dhaqaaq is uruursi ah oo ay halkaas ka wadeen Al-shabaab.
Kenya waxa ay sidoo kale sheegtay In Howlgalkaan uusan Qasaaro kasoo gaarin Ciidamada Difaaca Dowladda Kenya ee qeybta ka ah Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM,Mana jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Xarakada Al-shabaab.
Dowlada Kenya aya kordhisay mudooyinkii dambe howlgalada lala beegsanayo goobaha ay ku sugan yihiin Xarakada Al-shabaab ee ku yaala Koonfurta dalka Soomaliya.

