Kulanka 25-aad ee kalfadhiga 1-aad ayay maanta Xubnaha aqalka Sare ee dalka waxa ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya.
Kulanka maanta waxaa shir gudoominayay guddoomiyaha golaha aqalka sare ee dalka Cabdi Xaashi, waxaa kaloo joogay guddoomiye ku-xigeenka 1aad Abshir Maxamed Axmed(Bukhaari) iyo guddoomiye ku-xigeenka 2aad Mowliid Guhaad. , ajendaha kulanka ayaa ahaa doorashada Xubnaha aqalka Sare ugu mid noqon lahaa guddiga dib u eegista dastuurka KMG ah.
Doorashada Xubnaha aqalka Sare ugu mid noqon lahaa guddiga dib u eegista dastuurka KMG ah.Waxaa lagu qeybinayay nidaamka 4.5, inta badan beelaha waa isu tanaasuleen marka laga reebo Hawiye iyo Dir.
Murashaxiinta Hawiye, Sen. Cabdi Xasan Cawaale Qeydiid ayaa waxaa 38 cod uga guuleystay Sen. Maxamed Cusmaan Faarax Dhaga-juun oo helay 7 cod.
Murashaxiinta Dir, Murashax Sen. Cabdikarim Maxamed Xasan ayaa 27 cod uga guuleystay Sen. Deeqo Xasan Xuseen oo heshay 19 cod.
Magacyada Guddiga:
Sen. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamud-Faroole
Sen. Cabdi Xasan Cawaale Qeydiid: 38
Sen. Xuseen Sheekh Maxamud
Sen. Cabdikarim Maxamed Xasan: 27
Sen. Iftin Xasan Iman

