Akhriso:-Gudoomiyihii KMG ee Rugta Ganacsiga Galmudug oo Xilka Laga Qaaday

0

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha dowlad goboldeedka Galmudug Cabdiqadir Cabdullahi Warsame ayaa wareegto uu soo saaray xilka uga qaaday Gudoomiyihii KMG ee Rugta ganacsiga Galmudug Maxamed Cabdullaahi Marteelo, arrintaas uu ninka dambe iska diiday.

Maxamed Cabdullaahi Marteelo ayaa iska diiday in wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Galmudug uu xilka ka qaadi karo, waxaa uu sheegay in ay doorteen ganacsatada gobolka iyaga uun ay jagadaasi ka qaadi karaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here