Wararka haatan naga soo gaaraya Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa ku waramaya in Ciidamada amaanka Degmadaas ay toogteen 2-nin oo hoobiyayaaal ka tuurayay Gudaha Degmadaas.
Mid kamid ah dadka Deegaanka oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in ragga tuurayay hoobiyayaasha ay Tiro ahaan ay gaarayeen 4-ruux islamarkaana ay wateen gaari kuwa Raxaadadda ah oo ay saarnaayeen hoobiyayaal.
Waxa uu sheegay in ay israsaaseeyeen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaliya islamarkaana goobta ay ku dhinteen labo ruux, mid uu fakatay, midna uu ka dhex dagaalamo guri ku yaala Xaafadda Ceel-qalow ee gudaha Degmada Wadajir, islamarkaana ay haatan hareeyeen Ciidamo ka Tirsan kuwa Dowladda Soomaliya.
Ciidamada Amaanka ayaa haatan gacanta ku haya gaariga ay saarnaayen Hoobiyayaasha.
Dhanka kale waxaa la xaqiijiyay mid ka mid ah hoobiyaasha uu ku dhacay guri waxaana ku dhintay carruur waxaa sidoo kale dhaawac soo gaaray ruux haweeneey ah.

