Update:-Gaarigii Hoobiyayaasha ay Saarnaayeen oo Qarxay, iyo Ninkii Baxsadka ahaaa oo La Toogtay

0

Ciidamada Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed ayaa Goordhaweyd Toogtay nin kamid ahaa 4-nin oo hoobiyayaal barqanimadii maanta ka tuuray Gudaha Xaafada Buulo-xubey ee Degmada Wadajir ee Gobolka banaadir.

Gudoomiyaha Degmada Wadajir Axmed Cabdule oo Goordhaweyd la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in Ciidamada NISA ay ku guuleysteen in guri uu galay ninka hubeysan ay ku dhex toogtaan islamarkaana uu daqiiqado ka dagaalamayay.

Waxa uu sidoo kale sheegay Gudoomiyaha in labo nin marka hore goobta lagu toogta kadib markii ay rasaas isweedaarsadeen Ciidamada amaanka Degmada Wadajir ee Gobolka banaadir, midna uu goobta ka baxsaday.

Gudoomiyaha Degmada Wadajir Axmed Cabdule ayaa sidoo kale inoo xaqiijiyay in gaarigii ay saarnaayeen Hoobiyayaasha oo si iskiisa ah u qarxay uusan jirin qasaaro soo agaray dadka shacabka ah iyo Ciidamada Dowladda Soomaliya.

Waxaa la xaqiijiyay mid ka mid ah hoobiyaasha uu ku dhacay guri waxaana ku dhintay carruur waxaa sidoo kale dhaawac soo gaaray ruux haweeneey ah, mana jirto cid sheegatay Mas’uuliyadda Hoobiyayaasha.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here