Ciidammada Nabad Sugida ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta toogasho ku dilay labo nin oo madaafiic ka riday degmada Wadajir, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ammaanka.
Labada Nin ee la toogtay ayaa la sheegay in mid ka mid ah uu isku dayay inuu ciidanka iska caabiyo ka dibna uu galay Guri ku yaala Xaafadda buulo-xubey degmadaasi Wadajir, iyadoo markii danbe ay toogteen Askartu.
Saraakiisha Ammaanka ayaa sidoo kale SONNA u sheegay Gaari ay wateen Ragaan oo ay ku xirnaayeen walxaha Qarxa in Ciidamadu ay qabteen hayeeshee markii Danbe uu Qarxay Gaarigaas.
Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa sheegay in shacabka ay la shaqeeyeen ciidanka ammaanka taas oo suurta gal ka dhigtay in laga hortago maleeshiyadaan caadaysatay inay shacabka Soomaaliyeed ay dhibaato u gaystaan.
Sidoo kale Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa tilmaamay in laba nin ee la dilay mid kamid ah uu horey u dilay xoghayihii Degmada Wadajir ee gobolka Banaadir C/raxmaan ilaaladiisa islamarkaana Ciidamada ay ku raad-joogeen.
Xalay ayay ahayd markii ciidammada ammaanka ay degmada Xamar Jajab ku qabteen labo nin oo qaf shacab ah ku dilay degmadaas, waxaana muuqatada Ciidammada ammaanka inay haatan xil wayn iska saareen sugidda ammaanka Caasimadda.








