Gaas:-“Waa Tilaabo Qaldan in Turky-ga Mashaariicdiisa ku Ekeysiiyo Xamar”,+Dhageyso

0

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku dhaliilay dowladda Turkiga inay mashaariicdooda Soomaaliya ku ekeeysay Xamar iyo xayndaabkeeda, islamarkaana aan la gaarsiinin deeganada Maamulka puntland.

Madaxweyne C/wali maxamed Cali Gaas ayaa sheegay inuu safiirka Turkiga ee Soomaliya kula kulmay Magaalada muqdisho ee caasimada Somaliya oo uu u sheegay inay mashaariicdooda gaarsiyaan deeganada maamulka Puntand isagoo sheegay madaxweynuhu inuu xasuusiyay safiirku inay horey u balanqaadeen in hay’addooda xarumarinta ee TIKA xafiis weyn ka furanayso Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Gaas ayaa sheegay in Turkiga loo baahan yahay inuu si isku dheeli tiran u tababaro ciidamada Soomaaliya, maadaama haatan ciidamada ay tabarayaaan ay yihiin ciidamadii ku sugnaa Xamar iyo tiro yar oo laga keenay Gobolada Bay iyo Gedo ee Koonfur dalka Soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here