Wafdi Ka Socda Galmudug oo Magaalada Muqdisho Soo Gaaray

0

Wafdi uu hogaaminaayo Gudoomiyaha baarlamanka Maamulka Galmudug Cali gacal casir ayna kamid yihiin Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi(carabey) ayaa goordhaweyd soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaliya.

Madaxdaan ka tirsan Galmudug ayaa la sheegay in ay u yeertay Dowlaadda Soomaliya, islamarkaana ay ka qeyb gali doonaa wada-hadalo ka furmi doona Magaalada Muqdisho oo ay ku hor fadhiisanayaan Maamulka gobolada Dhexe ee Ahlusuna Waljameeca si doorashada Madaxweynaha Galmudug ay u noqoto mid ka Madax Banaan Khilaaf is jiid-jiid.

Gudoomiyaha baarlamanka Maamulka Galmudug Cali Gacal Casir oo warbaahinta kula hadlay Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho ayaa shegay in Galmudug ay mar walba diyaar u tahay wada-hadal lala galo Ahlusuna waljameeaca islamarkaana Maamul loo dhan yahay loo dhiso dadka Gobolada Dhexe ku nool.

Wasiir arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa dhawaan Magaalada Cadaado ee Caasimada KMG ah ee Mamulka Galmudug ku saxiixay heshiis ku aadan in dib loo dhigo doorashada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug islamarkaana doorashada laga qeyb galiyo Maamulka Ahlusuna Waljameeca.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here