Ciidamada Badda ee dalka Shiinaha ayaa sheegay in ay ka hortageen markab ku socdaalayay xeebaha gacanka cadmeed ee ku dhirir san biyaha dalka Soomaaliya oo kooxaha burcad badeeda weerar ay ku qaadeen.
Hadal ka soo baxay ciidamada ladagaalnka burcad badeeda dalka shiinaha ayaa sheegay in markab ganacsi oo laga lahaa boqortooyada britian iyo shaqaalihii markabka oo 19 qof ahaa in laga soo samata bixiyay kooxaha burcad badeeda Soomaalida.
Afayeenka howlaha ganaciga badda ee dalka Britan oo xaruntoodu tahay magaalada Abu-Dubia ee isutaga imaaraatka carabta ayaa xaqiijiyay in markab-kooda ganacsi laga leexiyay wadadii uu ku socday balse la soo badbaadiyay kadib dadaalo ay sameeyeen maraakiibta dagaalka ee dalka shiinaha waxaana uu xusay in markabka uu ka’yimid dalka Syria ee bariga Dhexe.
Afduubkii ugu horeeyay ay geestaan kooxaha burcad badeeda 5 sano kadib ayaa dhacay bishii aynu ka soo gudubnay ee Maarso.

