Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo oo haatan ku sugan dalka Isutaga Imaaradka carabta ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxyadii labada ahaa ee shalay ka dhacay Magaalada Qaahira ee dalka masar kuwaa oo lagu weerar xarumo Kaniisado oo ku yaalay Magaaladaa, balse waxa uu ilaalay kuwii lagu laayay shacab Soomaliyeed.
Madaxweynaha ayaa Bartiisa twitterka kusoo qoray inta u dhaxaysa 10:30—- 12:30daqiiqo cambaareyn ku aadan qaraxyadda labada ahaa ee ka dhacay Magaalada Qaahira ee dalka Masar oo Ururka Daacish ay ku qaadeen goobo Kaniisado ahaa oo ay ku sugnaa dad diimo kale aaminsan.
30-daqiiqo kadib qaraxyadii Masar waxaa qarax Gaari loo adeegsaday uu ka dhacay agagaarka Wasaaradda Gaashaandhiga Dowladda Soomaliya oo haleelay gaari shacab Soomaliyeed ay saarnaayeen waxaan ku dhintay qaraxaas in ka badan 40-ruux oo shacab Soomaliyeed ahaa oo aan waxba galabsanin.
Balse arrinta layaabka leh ayaa ah in Madaxweynaha Soomaliya Farmaajo uusan cambaareenin ama ka hadlin qaraxii shalay lagu laayay in ka badan 40-ruux oo shacab Soomaliyeed ahaa kuwaasi oo saarnaa gaari caasi ahaa oo marayay agagaarka Wasasaaradda Gaashaandhiga, laguna dhuftay gaari miidaamaysan oo la doonayay in lagu qarxiyo Kolonyo uu la socday Taliyaha Ciidmada Xoogga dalka Soomaliyeed Jeneraal Maxamed Jimcaale Cirfiid iyo Saraakiil Ciidan.

