Al-shabaab oo War Kasoo Saaray Qaraxii Ka Dhacay Warshadii Hore ee Nacnaca

0

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda Qarixii uu fuliyay nin isa soo miidaamiyay ee ka dhacay Warshadii Hore ee Nacnaca Degmada wadajir ee Gobolka banaadir, oo haatan xero Ciidaan u ah Ciidamo ka Tirsan Kuwa Malatariga Dowladda Federaalka Soomaliya.

War kooban oo Lagu baahiyay barta Telegram ee xarakada Al-shabaab ayaa lagu sheegay in weerarka uu ahaa isqarxin uu fuliyay dagaalyahan ka Tirsan Xarakada Al-shabaab,islamarkaana lagu laayay Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaliya oo xarunta Warshadii Nacnaca ku Shirsanaa.

Shabaab waxa ay sheegeen in 25-isugu jirta askar iyo Saraakiil ka Tirsanaa Ciidamada Malatariga Dowladda federaalka Soomaliya in lagu dilay weerarkii barqanimadii maanta ka dhacay Warshadii Hore ee Nacnaca D/wadajir.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Dowladda Soomaliya oo loogu hadlaayo qaraxa ka dhcay Warshadii Hore ee Nacnaca Degmada wadajir ee Gobolka banaadir, oo sanadkaan gudihiisa weerar uu ka dhacay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here