Wafdi Ka Socda Dowladda Soomaliya oo Gaaray Magaalada Baydhabo+Sawirro

0

Magaalada Baydhabo ee caasimada KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya waxaa gaaray wafdi ay hogaaminaysay Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Maryan Qaasim Axmed oo ay kamid yihiin wafdi ka socday Dowladda Qatar oo uu hogaaminayey Sheekh Xamed Bin Fahad Al Thani oo ka mid ah qoyska boqortooyadda dalkaas iyo mas’uuliyiin kale.

Wafdigaan waxaa Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Maamulkaas Shariif Xasan Shiikh aadan iyo mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Koonfur Galbeed,waxayna Baydhabo ay gaarsiiyeen gar-gaar ay Dowladda Qatar ugu talagshay Dowladda federaalka Soomaliya si wax loogu qabto abaaraha dalka xiligaan ka jira.

Sidoo kale waxa ay wefdiga gaareen xiryaha dadka Barakacayaasha ah ee ku yaalla duleedka magaalada Baydhabo ee ka mid ah dadka ay abaaruhu saameeyeen iyagoo kormeeray xaaladda dadkaas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here