Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida iyo Danbiyada Culus ee Puntland ayaa Saaka Dil Toogasho ah Ku Fulisay 5- Dhalinyaro ahaa oo ay sheegtay iney Kamid ahaayeen Xarakada Al-shabaab.
Sida Uu Xaqiijiyay Gudoomiyaha Maxkamada Col. Cabdiftaax Xaaji Aadan, Waxaa Saaka Lagu toogtay dhalinyaradaan Duleedka Boosaso e Gobolka Bari, kadib markii dhawaan xukun dil ah lagu riday.
Dhalinyaradaan Xukunka dilka ah lagu fuliyay Saakay Waxaana Horay loo sheegay iney Dilal magaalada Bosaaso ee Gobolka Bari ugu Geysteen Masuuliyiin Ka Tirsanaa Maamulka Puntland, islamarkaana lagu soo qabtay howlgalo laga sameeyay Magaaladaas.

